Miyuu mad-madow soo kala dhexgalay Xiriirka Turkiga iyo Ruushka?

Ter Minassian Taline, oo ah taariikhyahan ka tirsan Machadka Qaranka ee Luqadaha Oriental iyo Ilbaxnimada (INALCO) ee Paris, wuxuu ku tilmaamay saaxiibtimo “wax ku ool ah”.

Madmadow badan ayaa ka jira xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga, Putin iyo Erdogan si fiican ayay isu fahmeen oo midba midka kale waxa uu fahmayaa dhibka haysta, waa saaxiibo, laakiin isla markaana cadaw isu ah,” Khabiirka ku takhasusay daraasaadka Soofiyeedka iyo bariga dhexe ayaa u sidaasi u sheegay BBC Mundo.

“Runtii waa saaxiibtimo macquul ah oo qof walba uu danihiisa ilaalinayo,” ayuu sii raaciyay.

Minassian Taline wuxuu sheegay in mowqifka Turkiga ee iskahorimaadka Ruushka iyo Ukraine uu yahay mid adag sababtoo ah Ankara waxay sidoo kale xiriir qoto dheer la leedahay xukuumadda Kiev, gaar ahaan dhinaca milatariga.

Xiriirkani waxa uu u ogolaaday Ukraine in ay magaalooyinkeeda ka difaacdo duqaymaha Ruushka iyada oo ay uga mahadcelinayaan daraasiin diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo uu Turkiga sameeyay kuwaas oo soo iibsatay dawladda Ukraine.

Muuqaalo todobaadyadii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo burburinaya taangiyada Ruushka, baabuurta gaashaaman iyo habka difaaca gantaalada.

Turkiga ayaa bilaabay iibinta alaabtan uu ka iibinayo Ukraine 2019, kyiv ayaa horay u isticmaalay si uu ula dagaalamo gooni u goosadka Ruushka ee ku sugan bariga Donbass.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa waxaa soo saara shirkadda difaaca ee Baykar, taasoo uu leeyahay qoyska wiilka uu soddogga u yahay Erdogan.

Waxay u badan tahay in Putin uu aad uga carooday inuu arko in dadka reer Ukraine ay isticmaalayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu soo saaray,” ayuu yidhi Ter Minassian Taline.