Hot Topics

Ma la joogaa xiligii Aaran-jaan xoori lahaayeen Karaash?

Deni iyo Karaash waxay isku ogaayeen in Karaash uusan ku faragelin Deni soo xulashadii Xildhibaanadii Fadaraalka,waana fuliyay Karaash isfahankaas.

Taas badalkeeda Deni,waxuu balan qaaday dhawr arimood oo kala ahaa…

1.In Deni iscasilo markuu soo saarto Xildhibaanada mudo xileedka harayna Karaash dhamaystiro.

2.In Gole Wasiiro uu soo dhisto Karaash isla maalmahaas.

Qodobadaas sida muuqata Karaash,waa looga baxay..

1.Is casilaadii Deni,waxaa ku dhagay Maxamuud Shido oo ku cataabay hadaad wax soo waydo soo laabo si aan Doorashada soo socota ee Madaxtooyada PL ugaga faa’idaysano joogistaada.

2.Golihii Wasiirada Deni,ayaa magacaabaya maalmahan mana ahan kuwo Karaash laga tixgeliyay oo la shaqayn kara,waxaana ku jira Dad badan oo ay isdiidan yihiin.

Mid kale,ayaaba kusoo korortay ciyaartii Siyaasadeed oo Karaash,waxaa loo arkay Nin caqabad ku ah laba dhinac oo kala ah..

B.In aan laga heli doonin wada shaqayn fiican hadii Deni noqdo Madaxweyne Fadaraalka.

T.In Doorashada Madaxweynaha PL ee soo socota uusan wax la fududayn doonin Shayaadiinta,maadaama uu isagu Mindida Daabkeeda qabanayo.

Iyadoo arimahaas laga duuliyo,waxaa miiska lasoo saartay hadii Deni Xamar ku guulaysto in Karaash xilka laga tuuro.

Sida muuqata Karaash,waa lagu soo guuray oo lasoo sasabay mudadii laga baqsanaa in buuq uu furo.

Karaash wax saamayn buuran ah kuma lahan Baarlamaanka Puntland iyo weliba kuwa Fadaraalka aaday ee PL matalaya,waana fududahay in layska hor leexiyo.

Hada looma sii baahna Karaash,waxa kaliya ee uu kusii noolan karo waa isagoo sii ahaada madiidin caano ma daadsho baari ah.

Jibril Qoobey.