Deni dhaqaale la’aan ma ka reebi kartaa Doorashada??

Dhaqaalo yari ama Lacag la’aan Doorasho kama reebayso Madaxweyne Deni.

Dhawr jiho,ayuu dhaqaale ka diyaarsaday,kuwaasoo laga tilmaami karo…

1.Puntland magaceeda iyo maqaamkeeda.

2.Dowlada iyo Shirkadaha Imaaraadka.

3.Shirkadaha Shidaalka Somaliya daneeya.

Ugu yaraan 15 ilaa 20-Milyan oo dolar si fudud,ayuu ku heli karaa.

Xildhibaanada”

Puntland iyo Jubaland,waxaa laga soo doortaa 100-Xubnood oo iskugu jira Aqalka-hoose iyo kan sare.

Intooda badan Deni,ayaa lasoo baxay oo saamayn kulahaa.

Hadaf ahaana Labada maamul waxay dhisayaan Deni.

Meesha ugu hoosaysa markii la istaago waa ka helayaa 100-kaas 50-Xubnood.

Cabdi-xaashi oo raba in loogu hiiliyo dib usoo noqoshadiisa Gudoonka,waxuu haystaa ugu yaraan 9-Seneter oo uu Deni heshiis kula galay.

Mahadi Guuleed oo raba Wasiirka Maaliyada iyo ra’isalwasaare ku xigeen,waxuu heshiis kula galay Deni 6-8 Cod in uu haysto.

Laftagareen waxbay kala badasheen,waxna waa isku og yihiin.

Galmudug Xildhibaano,ayaa uga soo baxay aan la xaqiijin karin tiradooda.

Hir-shabelle waxbuu ka heli karaa.

Markii saadaasha aad hoos loogu dhigo Wareega 1-aad 70-Cod waa uga gudbayaa Deni.

Jibril Qoobey.