Madaxweyne Deni oo Muqdisho ku wajahan kuna hakanaya Garowe

Nayrobi sida la filayay kulamadii u qorshaysnaa waa ka baaqdeen haday noqon lahayd Dowlada Kenya iyo Haldoorka Somalida.

Ma cada sababta ay kulamadaas uga baaqdeen,waxaase ay sheegayaan warar ka agdhow in uu xanuunsanaa oo Elerjig aad ugu kacsanaa maalmihii ugu danbeeyay.

Deni beri Garowe in uu ka dego,ayaa la filayaa hadii rabi idmo.

Maalin kadib,waxaa kaloo la rajaynayaa in uu uga sii gudbo Muqdisho.

Tegidiisa Xamar waa umuhiim olalihiisa iyo guud ahaan qorshaha doorasho ee lagu wajahayo kooxda talada soo haysay ee N&N.

Sidoo kale tegidiisu waxay wax weyn ka taraysaa isku haynta iyo abaabulka Xildhibaanada gacantiisa ah.

Deni waa umuhiim qorshaha Kursiga looga hor istaagayo Farmaajo markale.

Jibril Qoobey.