Miyuu ka baxay gacanta Deni Xil.Sanyare?

Sanyare,waxaa ku furan Guri uu ka dhistay Nayrobi.

Gurigaas dhismihiisa,waa dhameeyay kadib markii uu dayn ka qaatay Bank.

Kiro,ayaa loogu jiraa gaaraysa bishii 15-kun oo dolar,waxaase culays ku ah Lacagta Bilaha ah ee Bangigu ka rabo Bil walba oo dhan 15-kun oo dolar.

Baahidaas joogtada,waxay sababaysaa in uu raadiyo dhaqaale uu wax ku dabaro,waana mida isaga iyo Xasan Khayre isku gaysay.

Sanyare,waxuu ka dalbaday Khayre hadii uu rabo in uu la shaqeeyo codkiisana siiyo 100-kun oo dolar oo uu 6-da bilood ee soo socota iskaga dabaro Biilka Bilaha ee Bangiga.

Khayre weli ma siin Lacag mana aqbalin shuruudaas,waxaase usocda wada xaajood.

Deni waxuu horay usiiyay Sanyare 70-kun oo dolar,waxuuna udhacay Xildhibaan,waxaase muuqata baahidiisu in aysan xal lahayn.

Khayre waxuu hayaa dhaqaale,balse mahayo siyaasad nool iyo Xildhibaano uu la gole imaan karo.

Muhiimadu Ragu ka balansan yahay waa dilista siyaasiyan Farmaajo ee meeshii kale oo laga qadayn karo waa furan tahay.

Jibril Qoobey.