Hot Topics

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ku Eedeeyay shaqaaqada Gaalkacyo Cabdi-Siciid

Wa-Saxaafadeed

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Xildhibaan ka tirsan BJFS Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Waxa uu ka xunyahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo “ Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Askartii ku dhaawacantay Falkaasi.

Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo

Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug “

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG