Hot Topics

Waa kuma Ninka loo saadaalinayo Gudoomiyaha Aqalka-sare?

Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxa uu ku dhashay degmada Baabiley, dalka Itoobbiya sanadkii 1946-dii.

Dhammaadkii kontameeyadii iyo lixdaneeyadii ayuu Cabdi dhammeeyey waxbarashada Hoose illa ta sare ee dugsiga, isaga oo ku qaatay Harar. Wuxuu sanadihii 1975-1977 uu kuliyadda siyaasadda, uu ka dhigtay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, ee Muqdisho. Sida oo kale sanadihii 1980-1981 wuxuu ka baxay Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho.

Cabdi Xaashi ayaa horraantiisii soo maray shaqooyin tiro badan oo kala duwan waxaana ka mid ahaa macallinnimo iyo shaqooyin kale. Waxaa se noloshiisa inta ugu badan ku qaatay shaqooyinka dawladeed isaga oo soo maray xilal ka duwan, oo gaadhsiin in heer wasiir. Waxa uu soo noqday 2005-2007 Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka, halka uu 2008-2009 Wasiirka Caafimaadka. Sannadkii 2012 illaa 2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka ayuu ahaa.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sannadkii 2017-kii ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Xildhibaanada codeeyay wakhtigaas oo ahaa 52-xubnood ayaa uu ka helay helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustafe Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.

Waxaana uu sidaa ku noqonayaa Guddoomiyihii ugu horreeyey Aqalka sare markii golahaas la sameeyey.