Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo ka adkaaday laba musharax oo xilkan kula tartantay.

Sentaor Cabdi Xaashi ayaa ku guulaystay wareegga hore ee tartanka isagoo helay 28 cod.

Waxaa kaalinta labaad galay oo kusoo xigay Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka oo helay 24 cod. Kaalinta saddexaad waxaa helay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay laba cod.

Maadaama Cabdi Xaashi uu helay codad ka badan 50% oo lagu daray 1, oo ka mid ah 54-ka cod ee Aqalka Sare, looma baahan wareeg labaad, wuxuuna ku guuleystay wareegga koowaad.

Doorashadan ayaa lagu qabtay teendhada Afisyone ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo amnigeeda aad loo adkeeyey.

Waxaa codbixinta maanta codeeyey dhammaan 54-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Aqalka Sare. Senator Cabdi Xaashi ayaa soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare tan iyo sannadkii 2017-ka oo xilkaas loo doortay.

Waxaa hadda billaabatay codeynta doorashada labada guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare.