Hot Topics

Reer Puntland Madaxweynaha iyo ra’isalwasaaraha waa waayi karaan,balse Dowladnimada lagama ilaalin karo!!

Madaxweyne Deni doorkii Faralka ku ahaa hogaamiyayaasha Puntland soo jireenkana ahaa buu ku taagan yahay markay timaado Xamar iyo Villa Somaliya.

Kasoo bilow 1978-dii ilaa Maanta iyo 2022 Madaxweynihii arki waaya reer Puntland waa istusayeen.

Cabdullaahi Yuusuf halgan uu hormuud ka ahaa,waxaa Afka ciida loogu daray Taliskii adkaa ee Siyaad Barre hogaanka uhayay.

Cabdullaahi Yuusuf,waxuu la lagdamay Cabdiqaasim iyo Carta,waana badalay ugu danbayn oo Kursigii uu ka tuuray,ayuu ku fariistay.

Cadde Muuse,waxuu si weyn u kaabay Kursigii Villa Somaliya ee Puntland ay ku fadhiday.

Faroole,waxuu dhulka geliyay Sh.Shariif oo isku dayay in uu hoos udhigo doorka Puntland ee Somaliya,waana badalay ugu danbayn.

Gaas,waxuu si adag ula diriray Xasan Shiikh oo damcayba in uu inkiro awooda Puntland ee hortaalay ugu danbayna waa badalay.

Deni,waxuu si ba’an iskaga dhiciyay Farmaajo oo qaba colaad gaar ah oo reer Puntland.

Deni,waxuu ku amaanan yahay in uusan noqon doqon Garowe iska fadhiya oo Shilimaan qaata ama si kale loo bahdilo kana hooseeya madaxdii Puntland kaga horaysay hogaaminteeda.

Balse wax ka weyn waxay sameeyeen Ragii ka horeeyay lama imaan mana samayn.hadiise uu ku guulaysto ku fariisashada Kursiga waa darajo gaarsiinaysa halkii Cabdullaahi gaaray,balse waajibku waa in uu Farmaajo meesha ka saaro.

Reer Puntland Madaxweynaha iyo ra’isalwasaaraha waa waayi karaan,balse Dowladnimada lagama ilaalin karo.

Jibril Qoobey.