Hot Topics

Xildhibaanadii Ceel-waaq oo qaatay Aqoonsigoodii?

16-kii Xildhibaan ee laga soo doortay Ceel-waaq si rasmi ah ayay uheleen Aqoonsigoodii Xildhibaanimo.

Guusha dareenka farxadeed ee gaarka ah wadata oo Ceel-waaq ay kugu soo jiidanayso waxay tahay …

1.In Dadka Somaliyed ee reer Gedo aysan ku dhicin matalaad utaagan jiritaankooda Umadeed.

2.In Gedo hesho Dad macno leh oo xaqeeda uqareemi kara.

3.In Jubaland midnimadeeda iyo maamulkeedu mid ahaado.

4.In Umada Somaliyed isku laab wanaagsanaato.

Xaqiiqdii 16-ka lagu soo doortay Ceel-waaq markaan Qof-Qof uxuuraamay aqoon ahaan,khibrad ahaan shaqo ahaan iyo shaqsiyad ahaanba waa Dad sare oo ka miisaan culus kuwa Garbahaarey laga keenay.

Tusaale”

Dhay oo Garbahaarey uga soo baxay hop#22 ,waa Jamhad ahaan jiray Talye Istaaf aadna uga hooseeya Ninka la siman ee Ceel-waaq loogu soo doortay hop#22 oo ay isku beesha yihiin.

Mursal Maxamed Khaliif waa PHD ka yimid Boston ahaa Wasiirkii Caafimaadka haatana ah Wasiirka Qorshaynta oo qofnimadiisu sarayso.

Sidaas oo kale ayay Xildhibaanada Ceel-waaq uga sareeyaan Dadka Garbahaarey laga soo ururshay.

Gedo hanbalyo markale waxay heshay matalaadii ay uqalantay.

Jibril Qoobey.