Hot Topics

Maxaa ka jira in Wasiirkii Maaliyada Puntland baxsaday?

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland,ayaa xiray Xaafiiska Wasiirka Maaliyada Dowlada Puntland,kadib markii khasnada laga waayay Lacag xoog leh.

7-Milyan oo dolar,ayaa la la’yahay meeshay ka baxday,iyadoo la ogaa in ay ku jirtay khasnada Dowlada 17-Milyan oo Cadaan ah.

Xasan Shire,waxuu ugu diray Muqdisho xiligii Olalaha Madaxweyne Deni 10-Milyan oo dolar,halka 7-dii soo hartay uu la baxay isaga,sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Maaliyada oo xog ogaal ah.

Madaxweyne Deni,ayaa ogaaday maqnaanshaha Lacagtaas socdaalkisii hore ee uu kaga qaybgalayay caleema saarka,waxuuna amray Hanti-dhawrka.

Xasan,ayaa daba maray Madaxweyne Deni soo laabashadiisii ugu danbaysay,waxuuna hada joogaa Xamar,iyadoo warar ay sheegayaan in uusan dib usoo laabanayn oo uu isuu gudbayo Sweden.

Xasan in uu isu diyaarinayo Musharax Madaxweyne Puntland oo uu han weyn qabo,ayuu hada ka hor ii carabaabay,isagoonba qarsanayn.

Jibril Qoobey.