Hot Topics

Tigreega oo ka hor yimid in ay Hubka dhigaan

Hoggaamiyaha Tigreega,ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wadahadal ku saabsan in Ciidamada Tigray ay Hubka dhigaan si ay isugu diyaariyaan wahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya.

Warbaahinta ay maamusho TPLF ee Tigray Tv ayaa baahisay hadalka hoggaamiyaha Debretsion Gebremichael xilli uu la hadlayay warbaahinta gudaha.

“Waa in aan Hub ka dhigis ku sameyno sababta oo ah dastuurka Itoobiya,ayaa dhigaya in maamulada aysan lahaan ciidan, waxbo kama jiro arrintaas”

Dowladda Fadaraalka Itoobiya iyo TPLF,ayaa isku diyaarinaya inay yeeshaan wadahadal nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku barakaceen Malaayiin Qof.