Hot Topics

Xasan ma dhisin Dowlad keeni karta haybad Qaran,kasbasasho caalam iyo wada shaqayn Dowlad Goboleed.

Guud ahaan Xukuumadan markii la qiimeeyo inteeda badan miisaan ay ku hanato Dalkan iyo Dadkan maleh.

Ra’isalwasaare jilicsan oo tilmaan gaar ah lagu soo xushay iyo Wasiiro la mid ah ayay ka kooban tahay.

Ra’isalwasaare xigeenku waa Nin aan gaarsiisnayn miisaankaas oo aan kusoo kordhinayn aragti iyo caqli ka maqan Ra’isalwasaaraha,waxaana tusaale loo soo qaadan karaa W.Dastuurka markii loo dhiibay say dhulka ugashay markii la ag dhigo xiligii Xooshkii Geeriyooday hayay rabi ha’unaxariistee.

Madaxweyne Xasan si buuxda,ayuu uga gacan buuxsaday qorshihiisii ahaa..

1.Ra’isalwasaaruhu in uu noqdo Agaasime Xaafiiseed,waxaana tusaale kuugu filan in uu umagacaabey mid ka mid ah Xoghayayaashiisii hore.

2.Wasaarada Maaliyada in uu gacanta ku qabsado,waxaana tusaale kugu filan in uu udhiibtay Nin aan lahayn miisaan siyaasadeed iyo aragti midayn karta maaliyada Dalka.

3.Wasaarada Amniga in uu maamusho,waxaa tusaale kaaga filan Ninka uu udhiibtay oo aan waxba ka gelin Amni ahna gacanyarayaashiisii Jaamacada.

4.Wasaarada Arimaha dibada in uu isagu Wasiir ka noqdo,waxaa kaaga filan Ninka uu udhiibtay oo aan qaadi karin culayska Wasaaradaas.

Mar lagu yiri Abshir C.Huruse ma qaadi karo Wasiirka Arimaha Dibada,waxuu ku jawaabay iska daaya safarada ha iiraacee anaa shaqadayda qabsanayee.

Fiqi magacaabistiisa laguma kasban karo Qoor-qoor.

Rooboow magacaabistiisa laguma kasban karo Laftagareen.

Abshir C.Huruse Magacaabistiisa Deni laguma kasban karo.

Madaxweyne Xasan ma dhisin Dowlad keeni karta haybad Qaran,kasbasasho caalam iyo wada shaqayn Dowlad Goboleed.

Isku soo wada duuboo waxaa la sadaalinayaa ugu badnaan in 6-bilood in ay shaqayn karto Xukuumadan.

Jibril Qoobey.