Golaha Wasiirada cusub oo si weyn loogu dulmiyay Beesha Daarood

Awood qeybsi aan dheeli tirneyn:

Madaxweyne Hassan Shiikh Maxamuud,ayaa soo dhisay xukuumad cadaalad darro ah, ku dhisan dulmi iyo gebi ahaan beesha Daarood oo lagu dulmiyey: Wasaaradihii Dhaqaalaha iyo Awoodda Dalka.

Dhacdadan foosha xun ee lagula kacay Beesha Daarood ayaa u baahan in laga bixiyo jawaab adag oo deg deg ah:

Wasaaradaha Dhaqaalaha:

  1. Qorsheynta iyo Maalgelinta – Hawiye (UPD)
  2. Maaliyadda – Dir
  3. Xanaanada Xoolaha – D&M
  4. Ganacsiga iyo Maalgashiga – Garre.
  5. Batroolka – Hawiye (UPD)
  6. Beeraha – D&M
  7. Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda – Dir
  8. Korontada & Biyaha – Dir
  9. Degaanka iyo Bey’adda- Beesha Shanaad

Wasaaradaha Arrimaha Bulshada:

  1. Waxabarashada – Beesha Shanaad (UPD)
  2. Caafimaadka – Hawiye

Wasaaradaha Awoodda:

  1. Cadaaladda iyo Dastuurka – Hawiye (UPD)
  2. Arrimaha Gudaha – Hawiye (UPD)
  3. Gaashandigga – D&M
  4. Amniga Gudaha – Daarood (UPD)
  5. NISA – Hawiye (UPD)

Waxgaradka Soomaliyeed iyo dadka daneeya arrimaha Soomaliya waa in ay indhahooda furaan. Boobka Hassan Sheikh uu ku boobaya Awoodda Dastuuriga ee Golaha Wasiirada ayaa u muuqata mid qabyaalad iyo eex ku dhisan.

Waa in Golaha shacabku diidaan, kana hor yimaadaan Cadaalad Darrada iyo Boobka Hassan Sheikh.