Hot Topics

Deni iyo Xasan oo isku soo dhawaaday isfahana ku dhow

Madaxweyne Deni,waxuu waydiiyay Madaxweynaha Fadaraalka Mudane Xasan Shiikh nasashadii kadib maxaad noo wadaa?

Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu ku jawaabay waxba Salaan baan idin kugu imid oo Golihii Wasiirada,ayaa fadhiya markay qorshayaashooda diyaarsadaan baan qorshaynaynay in aan iclaamino kulan guud.

Taasi waxay sababtay in ay Puntland hakiso kulankii laba geesoodkaa ahaa ee ay ku talagashay iyo Saxaafadii.

Labada Madaxweyne sidaa,ayaa keentay in ay gaar uwada xaajoodaan.

Haatan isfahan,ayaa jira”

Puntland”

1.In Deeqaha Somaliya ay ka hesho hay’adaha ama Dowladaha ay Puntland qaybteeda uqaadato si toos ah oo aysan udaba fariisan Wasaarada Qorshaynta Fadaraalka.

2.In dhaqaalaha,tababarada iyo Qalabka Amniga Somaliya loogu deeqo Puntland qaybteeda toos uhesho..

3.In Dekeda Bosaso qaybta Fadaraalku ku leeyahay Saxiixa uu saxiixayo.

4.In diyaarinta Xogta Shidaalka ku jira Badda Puntland la bilaabo dhawaan Fadaraalkuna ogol yahay Siyaasiyan,balse saxiixa ay wada galayaan PL iyo Shirkada.

5.In Puntland lagu qabto Shirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Fadaraalka.

Jubaland”

Madaxweyne Deni waxuu si adag udifaacay mudo kororsiga Sanadka ah ee Axmed Madoobe,waxuuna ku guulaystay in uu Madaxweyne Xasan ka dhaadhiciyo,waxayna wadajir ula hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe.

Koonfur-galbeed”

Madaxweyne Xasan,waxuu dalbaday in layskugu yimaado Shirka Dowlada Fadaraalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Galmudug”

Si la mid ah Koonfur-galbeed,ayuu Madaxweyne Xasan udalbaday in layskugu yimaado Shirkaas,waxii madmadow jirana looga xaajoodo.

Isfahankan weli masoo gunaanadmin oo wada sheekaysigu waa sii socdaa.

Jibril Qoobey.