Hot Topics

Muxuu salka ku hayaa Dagaalka Tigreega iyo Abiy?

DAGAALKA ITOOBIYA KA SOCDA MUXUU SALKA KU HAYAA?

Dagaalka waqooyi ee socda labada dhinac ee dagaalamaya midna ma doonayo inuu midka kale qabsado.Awooddaha dhinacyada iyo xaalladaha jira ayaan u saamaxaynba.

Milatarigu ma doonayo inuu Mekelle qabsado oo uu ruqaansado.Arrintana taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa xaqiijiyay oo ku sheegay waraysigii shalay.

TPLF-na xiligan macquul uma arkaan inay Addiss-Ababa u ruqaansadan oo ay qabsadaan.

Labada dhinacba waxay ku adimayaan oo ay markasta muujinayaan inay wada hadlaan oo ay nabad qaataan.Khudbadii maalmo kahor ee Abiye iyo war-saxafadeedkii labada dhinac ee maalahan ayaa aad loogu cel-celinayay muhiimada wada hadaladan.Midkasta waxay soo jeedinayen in dagaalku xal noqon karin.

HALKEE WAX IS QABAN LA’YIHIIN?

1] Dhibaatada ugu wayn ee wada hadalada hakisay ayaa ah dhulka Axmaradu qabsatay oo ay Tigreegu u arkaan khad cas oo aan laga gudbi karin.Tigreegu ma xamili karaan wada hadal wakhti qaata oo ay xukuumadu dhexe la meerayso.Dhulka ka maqan waxaa weheliya caddaadis bulshada saaran oo xili kasta qarxi kara hadaysan xal u keenin ama dagaallo ku cel-celin.[Waa bulsho aan koronto,Bangi,isgaadhsiin,jid la’aan,cunto yari iyo addeeg kasta aan haysan.]

Dowladda dhexe waxay ka biyo diiday in wada hadalada shuruud kamid ah laga dhigo dhulkan,waana arrinta ugu wayn ee dagaalkan socda sababta u ah.

2] Dhibaatada kale ee wada hadalada saamaysay waxaa kamid ah isbadalka doorasho ee ka dhacay Kenya.
Uhuru Kenyatta ayay Tplf kalsooni ku qabtay inuu wada hadalka galo,waxayna u arkaan inuu badalay saaxibka Abiye..

TPLF kalsooni kuma qabto middawga afrika,umana arragto kuwo wada haddalka dhex-dhexaad ka noqon kara.[Xalka ree galbeed ayay u arkaan]

Dowladda dhexena xalka Afrika ayay u arragtaa,mana doonayso wada hadalo ree galbeedka iyo Maraykan hoggaaminayaan.

Iskusoo duubo dagaalkan ma noqonayo mid lamid ah kuwii hore oo ku ballaadha dhul badan.Waa dagaal wada hadalada lagu dedajinayo,waana dagaal ka dhashay dhulka Tigreega ka maqan.[Dagaal aan dhulkaas ku suntan oo go’aamin doona cidda uu dhankeeda u badanayo]

W-Q: VOSS TV