Hot Topics

M.Deni oo Qab ka muujiyay wada hadalada uu kula jiro M.Xasan Shiikh

Madaxweyne Deni,waxuu ku amaanan yahay in uu iska diiday dalab tiro badan oo ay ula yimaadeen Rag reer Puntland ah oo magac iyo miisaan leh.

Dadkaas,waxay wateen codsiyo ay ku leeyihiin Madaxweynaha Fadaraalka Mudane Xasan Shiikh nooga saxiix Safiiro iyo Mashaariic.

Safiirada Raga qaarkii rabeen in laga dhigo,waxaa ka mid ah..

1.Safaarada Masar.
2.Safaarada Jabuti
3.Safaarada Nayrobi

Sidoo kale Mashaariicda ay wateen,waxaa ka mid ahaa…

1.Mashruuc wacyigelinta Dimuqraadiyada iyo maamul daadajinta.

2.Mashruuc wacyigelin ah oo bar bar soconaya Shidaalka.

3.Mashruuca hay’ad Cilmi baaris oo argagixisada ah.

Madaxweyne Deni,waxuu warkiisa kusoo koobay in uusan Madaxweynaha Fadaraalka ula tagayn wax ka hooseeya masiirka Dalka.

Ninkaas xaqiiqdii qabkii reer Puntland,ayuu ka muujiyay la macmiilka Fadaraalka martida u ah.

Jibril Qoobey.