Hot Topics

Xisbiga Abiy oo la dhaliilay hanaankiisa is Doorasho

Komishinka Doorashooyinka Itoobiya,ayaa amar ku bixiyay in Xisbiga Barwaaqo Afar Bilood gudahood Shirwayne ku qabsado islamarkaana dib usoo doorto Xubnaha Guddiga baarista iyo dabagalka ee Barwaaqo.

Komishinku wuxuu sheegay in Xubnaha Guddiga dabagalka doorashadoodii hore in aan sifo sharciya loo marin laguna soo xushay hab mad-madow ku jiray oo baalmarsan xeer-hoosadka Xisbiga.

Wasiirka Madaxtooyada DDSI,Xuseyn Qaasim,ayaa ka mid ahaa Dadkii xiligaas sida musuqa ah loogu doortay Xoghayaha Guud ee Guddiga.

Warkan Komishinka ka soo baxay,ayaa warbaahinta Dowladda Itoobiya lagu baahiyay.

Jibril Qoobey.