Xukuumada Abiy oo war is khilaafsan uga jawaabtay go’aanka TPLF

Xukuumada Itoobiya oo TPLF u Jawaabtay!

Wasiiru dowlaha wasaarada Nabada Itoobiya Taye Dandea,ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay waxa uu ku yiri…

“Waan maqlay in TPLF ay sheegtay rabitaankeeda ku aadan wadahadal shuruud la’aan ah, waana arin lagu farxo, balse waxaan cadaynaynaa in uusan jirin Wadan yeelan kara Laba Ciidan, waa in Hubka laga dhigo waxa ay ugu yeeraan TDF”.

Ninkan oo ah Oromada xagjirka ah,ayaa qaba Tplf in aan wali lala xisaabtamin.

Waa Dowlad iyo Wasiiradeeda oo aan iska warqabin qaybna ay soo dhawaynayso qaybna ay diidayso wada xaajoodka iyo Xabad joojinta.

Macada in hadalka Wasiiru dawluhu uu yahay mawqifka xukuumada dhexe ee itoobiya iyo inuu yahay aragti shaqsiyadeed oo gaar ah.