Hot Topics

Shirka Shidaalka Afrika oo ka furmay Koonfur-afrika

Waxaan ka furmay South Africa,Cape Town Shir heer caalami ah ee todobaadka Saliida Africa ah.

Waxaa ka qaybgalay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamad, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Jubaland MmAxmed Cabdirisaaq Maxamed iyo Wasiiru dowlaha Hirshabelle.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya ilaa 30-wasiir oo ka kala socda dalalka Africa iyo 500 qof Oo ah madaxda shirkadaha soo saaro shidaalka, 1,800 ka qaybgalayaal Oo ka kala socda 80+ wadamo.

Shirka ayaa looga hadlayaa sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta iyo sidii aan ku soo jiidan laheyn maalgashadayaal kheyraadka dalalkeenna ku jira.

Wasiirka Shidaalka Jubaland Handal

Shirkan oo socon doono maalmaha soo socda,ayaa ah madal ay ku kulmaan maalgashadayaasha caalamiga, shirkadaha soo saara batroolka iyo madaxda dalalka lagu tuhmayo khayraadka dabiiciga ah ee Africa, sida Somaliya.