Maxay isku hayaan Agaasimaha Pltv iyo Radio iyo Wasaarada Warfaafinta?

Puntland TV iyo Radio,waxaa haysata nasiibdaro xun oo taariikhiya.

Tan iyo Aas-sidiisii marka laga reebo mudadii uu hogaaminayay Axmed Kismaayo rabi ha’unaxariistee ma helin hogaan uqalma.

Haatan Agaasimaha loo dhiibay ma xumayn,waa Nin degan oo dabeecad qabow Shaqaalahana la dhaqmay iskuna dayay in uu waxqabto.

Balse,waxuu kusoo aaday xili Tv-ga iyo Radio la hoosgeeyay Wasaarada Warfaafinta oo laga hoos saaray Madaxtooyada.

Wasiirka W. Warfaafinta hada joogaa wax badan kama fahansana shaqada,waxaase kuxigeen u ah Nin dhanka musuqa ku bahaloobay oo fursad u helay Tv-ga iyo dhaqaalihiisa mar si KMG ah kusime looga sii dhigay.

Agaasimihii shaqadii waa laga joojiyay,waxaana laysku qabtay.

  1. Wasiirka oo hab Beeleed ku shaqaynaya, Agaasimuhuna ka biyo diiday.

2.Wasaarada oo faragelin toos ah ku samaynaysa shaqada gudaha ee Tv-ga iyo Radio Agaasimihuna iska dhiciyay.

3.Wasaarada oo jidgooyo udhigatay ama faragelinaysa dhaqaalaha Tv-ga si joogta ah,taasoo Agaasimihuna ka hor yimid.

Wasaarada,waxaa ku maqan hada oo ay cadayn la’adahay Lacag Tv-gu lahaa oo lagu dhisi lahaa Xarunta Bosaso.

Madaxweynuhu 3-jeer,ayuu tagay Xarunta Tv-ga iyo Radio soona arkay xaalkiisa.

Sidoo kale Gudi,ayuu usaaray waxkaqabadka arimaha Warbaahinta Dowlada talooyinkii ay soo diyaariyeena ma fulin.

Shaqaalaha Tv-ga iyo Radio ma qaadan Laba ilaa 3 bilood Gunadoodii, taas oo ah inta badan mushaarkii ay qaadanayeen oo loo kala qaaday Guno iyo Mushagaar, taas oo horseeday duruufo soo wajahay Shaqaalaha.

Puntland Tv waxuu la mid yahay Ciidamada difaaca ku jira,waxuuna mudan yahay Daryeel iyo ilaalin.