Hot Topics

Maxay tahay sababta Col.Tuke loogu xiray Dalka Maraykanka?

Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Somaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali,ayaa lagu baarayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siyaad Barre.

Saddex sano ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay.

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah.

Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan.

Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka.

Kadib 2019-kii maxkamad madani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jirdilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii.

Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil.