Qatar:-Wax badan ka ogow waayaha Dalka yar Ee mudada gaaban Qaniga ku noqday

Magaalada Doxa ee caasimadda Qadar, waxaa soo baxayay sanadkan 2022 muuqaallo xiiso leh oo isugu jira garoomo, waddooyiin iyo dhismooyiin qurux badan.

Tan iyo markii dalka Qadar ay ku guuleysteen martigalinta Koobka Kubadda Cagta Adduunka, waxaa isa soo tarayay muuqaalada xiisaha leh ee ka imanaya dalkan yar.

Qarni ka hor, 1922, dalkan yar ee Khaliijka oo ay ku nool yihiin saddex milyan islamarkana dhulka uu ku fadhiyo uu dhan yahay 12,000 oo kilomitir oo laba jibbaaran wuxuu ahaa dhul lama deggaan ah, .

Waxaa dalka Qadar dadka ku nool ay ahaayeen kalluumaysato iyo reer guuraa ka yimid saxaraha fog ee badda Carabta.

Dad yar oo dad’dooda ay 90 jir tahay ayaa maanta xasuusan kara duruufihii dhaqaale ee adkaa ee ay ku noolaayeen 1930-kii iyo 1940-meeyadii, waxaa dadka dalka Qadar ay shaqo u raadsan jireen meelo kale sida Japan.

Qarnigaas, Qadar waxay lumisay ilaa 30% dadkeedii ka tagay si ay fursado dibadda ah u raadsadaan. Toban sano ka dib, 1950, waxay lahayd dad aan ka badnayn 24,000 sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Laakiin wakhtigaas dhaqaalaha Qadar waxa uu ku jiray xilli isbedel uu ku socday. Waxay heshay wax lagu tilmaamay mucjiso, taasi oo ahayd markii la helay kaydka shidaal ee ugu weyn adduunka.

Hadda Qatar waxay leedahay dhismayaal dhaadheer iyo kuwo waaweyn oo aad u qurux badan, jasiirado macmal ah iyo garoomo kubbadda cagta oo casri ah.

Qadar markii ay heshay dahabkeeda madow, (Shidaalka) weli ma noqon qaran madax-banaan, waxayna ku jirtay gacanta Ingiriiska, oo qabsaday dhulkaas 1916-kii.

Sahan dhawr sano ah ka dib, kaydkii ugu horreeyay ee shidaal ayaa laga helay gobolka Dukhan 1939-kii, oo ku taal xeebta galbeed ee dalka oo 80 kiiloomitir u jirta Doha.

Waxay ay Qadar soo jiidatay warshadaha , halka maalgashadayaasha ay bilaabeen inay yimaadaan Qadar, halkaasi oo koriinka dalka uu ka bilaabmay.

Sannadkii 1950-kii Qadar waxa degganaa in ka yar 25,000 laakiin 1970kii waxa ku noolaa in ka badan 100,000 oo qof.

Waddankii dadkiisu ku tiirsanaayeen kalluumaysiga 1970-kii Qadar waxaa u bilaabmay in uu kobco wax soo saarka guud (GDP) oo gaaray in ka badan 300 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Sanad ka dib, Qadar ayaa lagu dhawaaqay in ay tahay waddan madax-bannaan ka dib markii ay isga baxeen Ingiriiska. Waa cusub ayaa u baryay kaasi oo isna la yimid hal-abuur labaad oo dalkan qani ka dhigay.