Ma Dimuqraadiyadaa lagu fashilinayaa Shirka 27-ka Bishan?

Warqadaha hoos yaala,waxaa ku qoran Warmurtiyeedka kasoo bixi doona Shirka Ururada Siyaasada ee lagu balamay 27-ka Bishan.

Warmurtiyeedkaas lasoo saari doono,waxaa lagu qaadici doonaa Doorashada Dimuqraadiyaynta.

Warmurtiyeedkaas soo bixi doona,waxaa ku heshiiyay oo si qarsoon isula meel dhigay..

1.Ilmo Diyaano oo wata Ururka Mideeye.
2.Aaran-shaydaan oo Laba Urur ku dhex jira.
3.Faroole oo wata Ururka Horseed.
4.Siibadka oo Gudoomiye u ah Mustaqbal.
5.Jabiye oo wata Ururka Sincad.

Cajiib,waxaa ah in lasii qoro Warmurtiyeed kasoo baxaya Shir qabanqaabadiisu socoto.

Mida kale ee la yaabka leh waxay tahay Ilmo Diyaano oo hoos galay Aaran-shaydaan??!

Waa dhaqan muujinaya in Ilmo Diyaano ay yihiin Dad Maadi oo aysan ahayn Mabda iyo qiyam Dad leh hadii Warkan dhaboobo.

Aaran-shaydaankii lahaa Shalay aan gubno Ilmo Diyaano inta talada uu hayo Nin ay isku Jifo hoose yihiin waa Quwad mustaqbalka khatar nagu ah in ay Maanta hoos fariistan lagama filayn xaqiiqdii !!

Sida aan ku ogaaday warar kale Ilmo Diyaano,waxaa qorshahan geliyay Laba Nin oo aad looga cawdo lana sheego in ay lugooyo iyo isbaaro ku yihiin si gaar ah Asad,kuwaasoo kala ah…

1.Liibaan Axmed Shire.
2.Xirsi Cabdi Oog.

Maxamuud Shido iyo Asad Diyaano isku meel ayay ku dhiman doonaan Siyaasiyan haday israacaan oo ay dhab noqoto.

Si kastaba ha noqoto hadaan nahay Shacabka Puntland aan uhiilino Dimuqraadiyada oo aan garab istaagno Dowlada.

Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka la filayo:-