Gudoomiye ku-xigeenada iyo xog-hayaha guud Ee G.Banaadir oo la magacaabay

Muqdisho, Nofeembar 20, 2022;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga

Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada

Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud

Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter: @TheVillaSomalia