Hot Topics

Ururka Akhwaanul Muslimiin Oo Laba garab ukala jabay

A general view is seen as Egyptians gather by a Coptic church that was bombed on Sunday in Tanta, Egypt, April 9, 2017. REUTERS/Mohamed Abd El Ghany

Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka ururka.

Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.

Arrintaan ayaa calaamad u ah in ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta siyaasadeed ee ugu weyn adduunka, uu kala jabay.

Hemeda, oo ah weriyaha Qaahira ee laanta afka Carabiga ee BBC, ayaa sheegaya in labadan kooxood ka sokow ay dhawaanahan ka soo dhex baxeen koox kale oo Masar fadhigeedu yahay.

Isagoo sheegay in kooxdani ay ka kooban tahay dhalinyaro, isla markaana ay shaqadooda si qarsoodi ah u wataan, Hemeda waxay sheegay in kooxdani ay u ololaynayso samaynta hoggaan ka kooban dhallinyaro.

Wuxuu intaa ku daray in kooxdan ay xustay in hoggaanka cusub uu noqon karo Masar ama dibadda, balse muhiimadu tahay dhalinyarada.

Maxaa xigi kara?

Hemeda waxa uu sheegay in Ibraahim Müniir uu ahaa magac muhiim ah oo ururka dhexdiisa ah muddo tobanaan sano ah, isaga oo u malaynaya in tani ay la micno tahay khasaare weyn oo soo gaaeray garabka Ingiriiska, sidaas darteedna garabkan ka dhigayo mid aan awood badan lahayn.

Hemeda, ayaa sheegay in kiisas ballaaran oo la xiriira eedeymaha ka dhanka ah Ikhwaanul Muslimiinka Masar ay sii socdaan, wuxuuna rumeysan yahay in ururka uusan saameyn ku yeelan doonin siyaasadda Masar muddada soo socota.

Sidoo kale Hameda ayaa sheegay in inta badan madaxda ururka ay da’doodu ka weyn tahay 70 sano, balse ay dhici karto in dhalinyarada ururkaasi ay isbedel keeni karaan mustaqbalka.

Xigasho:-BBC.