Bosaso waa mid ka mid ah Awoodaha reer Puntland Ee Geeska Afrika

Xaqiiqdii Bosaso waa Magaalo dareen gaar ah ku leh Qof walba oo dareen muwaadinimo ku jiro.

Maamuladii iskaga danbeeyay Puntland midba waxbuu kudaray horumarkeeda haba ugu fiicnaado maamulka Deni hogaaminayo.

Inkastoo uu ku suntan yahay Bosaso maamulkii uquuray Xabad ee muujiyay masuuliyad darida taariikhda gashay.

Weli ma aysan helin Duq Magaalo oo leh aragti horumarineed kana hagaajiya Wadooyinka iyo Bilicda.

Dhaqaale ugu filan kor uqaadida Nadaafadeeda ayay heshaa Dowlada hoose ee Bosaso.

Bosaso Maanta,waxaa ka socda dhawr Mashruuc oo la taaban karo…..

1.Garoonkii Diyaaradaha oo si weyn loo caalamiyaynayo.

2.Dekedii oo loo balaarinayo.

3.Biyihii Macaanaa.

4.Korontadii Solarka.

Guryaha Kiradu aadbay uqaaliyoobin raadintooduna waa saraysaa markaad la xiriirto Dulaalayda kireeya Guryaha Bosaso.

Dad badan,ayaa Magaalada soo buux dhaafiyay,waana camiran tahay.

Bosaso oo amni ah,qurxoon kana jiro Ganacsi xoogan waa mid ka mid ah awoodaha reer Puntland ee Geeska Afrika.

Jibril Qoobey.