Hot Topics

Ururada Siyaasada PL Oo ku dhaleeceeyay Gudiga Doorashada in ay quursadeen Shuruudahooda

Waxay Ururada Siyaasadda Puntland fadhigooda ugu yeereen Guddiga Kumeel Gaarkaa Ee Doorashoyinka.

Waxay u sheegeen in Guddigu dhayalsaday Warmurtiyeed Kii 29-ka bisha ka Soo baxay 7-Urur iyo Ururka Shaqaalaha oo Ku raacay.

Waxay uga digeen inuu ku dhaqaaqo jadwalki uu Soo dhajiyey ilaa inta Laga wada hadlayo shuruudihii Ururadu Soo jeediyeen.

Waxaa la hakinayaa Jadwalkii Gudigu Soo Jeediyey.

Waxaa caawa kulmaya Gudigii dardar Gelinta Deni magacaabay Ee Wasiradiisa ahaa si ay u lafa guraan shuruudihii Ururada Siyaasadda.

Wali waxaa si xoog leh u midaysan Ururada Siyaasadda oo wali shaki ka qaba Guddiga Doorashoyinka.