Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Muqdisho Ee Mdaxweyne Deni?

Ma’ahayn safar lasii qorsheeyay socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho,balse sida aan xogta ku helay waa safar ku saabsan xaalada amni ee Somaliya kasoo korortay.

Villa Somaliya,ayaa ku casuntay Madaxda Dowlad Goboleedyada Shirkan oo daba socda Shirkii Gudiga amniga ee Muqdisho horay uga dhacay.

Shirkan,waxaa ka qaybgalaya Safiirada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Xalabe.

Qodobada looga xaajoonayo,waxaa ka mid ah…

1.Sidii laysaga kaashan lahaa Guluf si siman uga wada bilaabanaya Koonfur-galbeed,Jubaland iyo Galmudug.

2.Dhaqaale iyo Hub ka yimid beesha caalamka iyo yabooh dhaqaale kale.

3.Heshiiski Ciidamada Atmis oo gaba gaba maraya iyo sidii looga wada hadli lahaa qaabka ay Ciidamada ugu horeeya Somaliya uga bixi lahaayeen.

4.Gulufkii ka socday Hirshabelle oo hada kaabiga kuhaya deegaamadii ugu danbeeyay sida Aadan Yabaal.

Laba kulan,ayaa ka kala dhacaya Villa Somaliya iyo xarunta Xalane.

Majiro wax khilaafa oo ka dhexeeya Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Shirkan kadib waxaa isku shaandhayn lagu samayn doonaa saraakisha amniga ee heer Fadaraal.

Jibril Qoobey.