Hot Topics

Guddiga joogtada ah ee BPL oo la kulmay Guddiga gurmadka Laascaano + Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Guddoomiyey fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo uu horyimid Guddiga Xukuumaddu u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka ka soo barakacay Magaaladda Laascaanood.

Guddiga ayaa warbixin ku saabsan hawlaha loo xilsaaray la wadaagay Guddiga Joogtada ah, sidoo kalena, Guddiga Joogtada ah ayaa wax ka weydiiyey warbixinta lala wadaagay, isla mar ahaantaana talooyin ku biiriyey hawlaha Bini´aadanimo ee Guddigu ku hawlan yahay.

Ugu dambeytii, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ku hadalya afka Golaha Wakiillada Puntland ayaa wuxuu kula dar-daaray Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada in ay sii laba jibaaraan wax ka qabashada hawlaha culus ee loo xil-saaray, maadaama xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool maalin walba ay ka sii darayso.