Hot Topics

Gedo siday tahay laguma sii eegan karo,Axmed Madoobe-na lama dugsan karo.!!

Gedo waxay ubaahan tahay maamul u adeega Bulshada sida ugu dhakhsiyaha badan.

Uma qalanto in ay noqoto goob Jaajuusiin Itoobiyaan iyo Nisa ay ku hardamaan.

Axmed ma leh aragti hogaamineed oo uu Gedo ku hanan karo sida lagu bartay.

Axmed Madoobe waxa ugu weyn ee uu kala ballamay Xasan markuu Kismaayo tagey waxay ahayd markaad tagayso Gedo yaysan kusoo dhaweyn Raga mucaaradka ku ah Maamulkayga…

1.Ha u aqoonsan Gudoomiye Gobol Ninkii aan ka qaaday xilka.

2.Ha siin wax baratakool ah Maamulkaas.

3.Yaysan ka dhex muuqan soo dhaweyntaada iyo kulamadaada.

Xamse oo ku fadhiya Kursigii Matalaada Beelaha Daarood kuma filna in uu xal ukeeno Gedo oo uu dhiso Jubaland lawada leeyahay.

Sidaan xogta ku helay,waxaa dhici karta in Xamse safar ku tago Degmada Afmadow,taasoo haday dhacdo ku ah waji gabax Siyaasadeed,sababtoo ah booqashadaas,waxaa mudan Gedo.

Gedo xaalada adag ee ka jirta in la furdaamiyo iyo in la helo Jubaland lawada leeyahay hogaaminta Axmed Madoobe ma gaarsiisna.

Itoobiya iyo Villa Somaliya waxay ka faa’idaysanayaan jawigaas foosha xun ee jira.

Jibril Qoobey.