Hot Topics

Saw lama oran karo Shirka Jabuti lagu wado in uu ka qabsoomo waa sii fashilan yahay?

Magacaabista Cabdikariin Guuleed,waxaa lagu fashilinayaa halganka reer Sool.

Dhanka kale,waxaa lagu baritaarayaa Muuse Biixi oo looga soo saarayaa Godka Siyaasadeed uu ku dhacay.

Marka laga soo tago Somalida iyo siday uga falcelisay magacaabista la yaabka leh ee Cabdikariin,waxaa dhankooda cajabay BC oo iswaydiisay,iyadoo Dhiig daadanayo wada hadalada Ergayga loo magacaabay.

Haatan Cabdikariin,waxuu joogaa Adis,waxuuna soo maray Jabuti oo uu Laba Beri soo joogay.

Ujeedka socdaalkiisa,waa abaabulida Shir lagu qabanayo Jabuti oo loogu yeerayo wada hadalka Somaliya iyo Somaliland.

Waa iska cadahay in uusan macno yeelanayn,waana sii fashilan yahay Shirkaas.

Waxaa kaaga filan fahamka fashilka Shirkaas dagaalka LC ka socda.