Sarkaal kala goostay Puntland Gaadiid dagaal iyo Hub oo lasoo qabtay

Isagoo Jeebaysan,ayaa lasoo qabtay Sarkaalkan isku dayay in uu la goosto Gaadiid dagaal oo Ciidamada Daraawiishta PL leeyihiin.

Waxuu ka mid ahaa Ciidanka fadhiya Kalabayr oo ah difaaca Buuraha Bari ee argagixisada lagala diriro.

Sadex Gaari oo ka mid ah,Gaadiidka Ciidamada ee difaaca kaga jiray halkaas,ayuu la tagey.

Dowladu amar ayay ku bixisay in laga daba tago,waxaa lagu guulaystay Laba Gaari markii hore laga soo qabto,waxuuna la fakaday Hal Gaari oo uu ula leexday dhanka Baadiyaha Soolka.

Ugu danbayn meel udhow Xudun,ayaa looga daba tagey oo Gacanta lagu soo dhigay isaga iyo Gaarigii uu la baxsaday.

Sidaanoo kale,ayuu PSF horay ugala soo goostay Sarkaalkan Gaari,waase laga qabtay.

Ujeedkiisu,waxuu ahaa in si Tuugnimo ah ula tago oo ku raadgato dagaalka Laascaanood.

Sagaal Urur oo ka mid ah Daraawiishta PL,ayaa difaac uga jira Buuraha iyo Laamiga dheer,kuwaasoo la dirira Ururada argagixisada ah.

Madaxweyne Deni,ayaa Eeda Ninkan iska leh,sababtoo ah,isagoo looga digayo,ayuu umagacaabay Talye Ciidan.

Dhaqamada khaldan ee Deni wax ku xusho,ayaa waxaa ka mid ah..

B.Yaa PSF kasoo goostay ama la dirirsan.
T.Yaa ii Dhaga nugul.
J.Yaan war igu soo celin karin.
X.Yaan aragti iga saraysa lahayn.

Jibril Qoobey.