Hot Topics

Video:-Maraykanku oo wacad ku maray in uu difaacayo Taiwan

Maraykanku waa difaacayaa Taiwan,waana ka awood badan yahay Shiinaha.

Ciidamada Badda ee caalamka ugu balaaran,waxaa leh Shiinaha,sidaas oo ay tahay,waxaa ka awood badan kuwa dul fadhiya ee Maraykanka.

11-Markab oo kuwa dagaalka ah oo xanbaara Diyaaradaha kuna gaashaaman Niyukleer,ayaa dul taagan Taiwan.

Halka Ciidamada Badda Shiinuhu haystaan Laba Markab oo qura.

Maraykanku waa Dalka kaliya ee 24-saac ku hawlgelin kara Ciidamadiisa Afarta jiho ee caalamka oo aan ubaahnayn Ciidan uu daabulo.

Koonfurta Kuuriya,waxaa ku sugan 50-kun oo Ciidan Maraykan ah,kuwaasoo ka difaaca Waqooyiga Kuuriya.

Halka Japan ay fadhiyaan 90-kun oo ka ilaalinaya Shiinaha.

Italy iyo Germany,ayuu ku leeyahay Saldhigyo,waxaana Madaxyo Niyukleer uyaalaan Poland.

Bariga Dhexe,gaar ahaan Qatar iyo Sacuudiga,waxaa fadhiya Ciidamo awood uleh in ay ku hawlgalaan Niyukleer.

Maraykanku waa Quwad ay kaliya loolami jirtay tii Midowga Soofiyeedka ee hada noqotay taariikh laga sheekeeyo.

 

Halkan ka daawo muuqaalka