Yaa leh Eeda fashilka Ku dhacay Dowlada Fadaraalka,iyadoon Sanad jirsan ?

Ninka Sanad gudihiis ku fashilmay hogaaminta Dalka,waa Madaxweynaha.

Dalku maleh Xukuumad,wax walbana Madaxweynaha u ah…

1.Ra’isalwasaare isagaa ah.
2.Wasiirka Arimaha dibada,isagaa ah.
3.Wasiirka Maaliyada,isagaa ah.
4.Wasiirka Amniga,isagaa ah.
5.Wasiirka Gaashaandhiga,isagaa ah.
6.Wasiirka Qorshaynta,isagaa ah.

Madaxweynuhu in Dalka Dowladiisu sidaan u ekaato,isagaa ku talagalay una xushay Dad aan uqalmin oo aan awoodooda hogaamineed gaarsiisnayn Shaqadan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa Qabiili ceebta udiidaya Xasan,balse waa fahansan yahay waxa fashilmay in uu yahay hanaankii Dowladnimo ee Xasan dajistay.

Xamse ma’ahan Ra’isalwasaare ee yaan la xadin.

Saakay,waxaa yaaban oo taagan Dalku Ra’isalwasaare maleh taageerayaashii Xasan ee Shalay ku faraxsanaa keenista Xamse.

PL waxay Xasan ku diiday waa qorshahan ay Sanad kadib Somalidii kale aragtay bilowdayna qaylada,waana ilaahay mahadii.

Jibril Qoobey.