Hot Topics

Maraykanka oo hor istaagay mudo kordhin loo sameeyo Ciidamada ATMIS Ee Somaliya

Shirkii hogaamiyayaasha Dowladaha ay Ciidamadu ka joogaan Somaliya ee Ugandha kusoo gabagaboobay,waxuu ahaa mid loogu quusgooyay Geelle iyo Musefeni.

Shirkan,waxaa ka horeeyay kuwo hore oo looga xaajoonayay qorshaha looga saarayo Ciidamada Atmis Somaliya.

Si cad,ayaa reer Galbeedku ugu sheegeen Xasan Shiikh in uusan dalban sii joogista Ciidamada Atmis oo la gaaray wakhtigii la saari lahaa.

Maraykanku waxay usheegeen in ay Farmaajo Madaxweynihii hore kula galeen heshiis saarista Ciidamada Atmis,taa badalkeedana Somaliya loo dhisayo Ciidan Qaran lagana kabayo Miisaaniyadooda,sidaa daraadeed uu fuliyo heshiiskaas.

Si walba ayay iskugu dayeen Madaxweynayaasha Jabuti iyo Uganda in ay helaan mudo dheeriya oo Ciidamadoodu sii joogaan Somaliya,waxaase si dadban uhor istaagay Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Sida la saadaalinayo Askariga ugu danbeeya ee Ciidamada Atmis ka tirsan,waxuu Somaliya ka bixi doonaa December 2024.

Maraykanku,waxuu riixayaa in Somaliya Dowlad ay udhan tahay oo macno leh loo dhiso.

Jibril Qoobey.