Hot Topics

Dowlada Itoobiya oo ka hortagtay inqilaab ka dhici lahaa ismaamulka Amxaarada

Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay xireen 47 qof oo isugu jira suxufiyiin, iyo dad u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Sidoo kale dowladda, ayaa qabatay hub iyo walxaha qarxa, taaasoo lagu “fulin rabay fal argagixisanimo”, sida ay sheegtay, iyadoo la isku dayayey in la afgambiyo ismaamulka dhaca woqooyi dalka Itoobiya ee Amxaarada.

Xarigga ayaa yimid maalmo, kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Itoobiya, ay dabley hubaysan ay toogteen.

Qaar ka mid ah dadka la xiray oo ay aqoonsadeen ciidamada ammaanka iyo sirdoonka ee dalka Itoobiya, ayaa hadda kahor la xiray, iyadoo sii deyntooda kadibna uu haatanna dhacay dilka.

Dawladda federaalka Itoobiya, ayaa waxay ku dhawaaqday inay qaadayso ‘tallaabooyin adag’ oo ka dhan ah ‘xoogagga xagjirka ah’ ee is maamulka Amxaaradda, taasoo kicinaysa cabsida laga qabo inay horseedi karto in mar kale dalkaasi uu ka dhaco dagaal weyn.