Hot Topics

Video:-Erdogan oo xaqiijiyay dilka hogaamiyii Daacish

“Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk.

Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi.

Weerarka,ayaa ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero.

IS ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee IS lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka