Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise?

Madaxweyne Deni markii uu gaaray Hoyga,waxuu raaligelin buuxda siiyay Islaanka,isagoo usoo hoyday.

Islaan Ciise,waa ka aqbalay usoo hoyashadaas Madaxweynaha.

Kadib Madaxweyne Deni,waxuu Islaanka uxaqiijiyay in uu diyaar uyahay wadahadal uu la galo cid walba oo waxtirsanaysa.

Si gaar ah,waxuu M.Deni uqeexay arimaha uu diyaarka uyahay in laga wada xaajoodo ee mudnaanta leh…

1.Doorashooyinka.
2 Dastuurka.
3.Xiliga kala guurka.

Islaan Ciise,waxuu ballanqaaday in uu ku laabanayo Mucaaradka oo uu kasoo qaadayo waxa ay ka qabaan wada hadal ay la galaan Dowlada.

Kadib marka uu la kulmo Mucaaradka in Islaanku Gogol dhigo,taasoo ay kasoo qaybgalaan Siyaasiyiinta iyo Isimada PL ,ayaa laysla fahmay.

Muhiimadu,waa in si isla ogol ah layskula qaato jihada la Aadayo 2024 iyo Doorashada Madaxweynaha.

Jibril Qoobey.