Hot Topics

Puntland oo ay ku hardamayaan rabitaanka Shacabka iyo rabitaanka Siyaasiyiinta iyo Dhaqanka iswata

Waxaa xusid mudan in doorashadii 33-dii Degmo ay ku dhacdey rabitaanka Shacabka oo ka soo daaley nidaamkii hore ee Beelaha ku dhisnaa oo siyaasaddu ay u afduubnayd Dad gaar ah.

Waxay ahayd Doorashadii ugu dhibta yarayd ee ka dhacda Somaliya,taas oo Puntland u soo jiiday sumcad ballaaran.

Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta isa saaran ee isku danta ah,waxaa ka badan oo mudan in la tixgeliyo rabitaanka Bulshada.

Puntland waa in ay horey ugu socotaa Dimuqraadiyada ku fadhida rabitaanka Shacabka.

Jibril Qoobey.