Hot Topics

Qodobkii ka doodista Mashruuca DP World oo laga saaray Ajandaha Baarlamaanka

Ajandaha Kalfadhiga Baarlamaanka PL,waxaa ku jiray Qodob ka hadlayay maalgelinta DP World ee Dekeda Bosaso iyo Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Waxay ahayd in laga doodo,kadibna Sharciga la marsiiyo oo la ansixiyo si ay unoqdaan Ummadda hantideeda.

Nasiibdarro Saacadii ugu danbaysay,waxaa soo farageliyay Madaxtooyada oo codsatay in laga saaro Ajandaha.

Ujeedka Madaxweynaha waa Laba Qodob oo kala ah..

1.DP World oo diidan in lala Xisaabtamo oo Miiska lasoo saaro.

2.Madaxweynaha oo laftigiisu ka baqaya in lala Xisaabtamo oo Mashruucyada Biyaha,Korontada iyo Saamiga Garoonka ee Qoyskiisu qaatay ay noqdaan kuwo Ummada PL leedahay oo banaanka usoo baxa.

Qodobkan markii lagu soo daray Ajandaha,waxay Bulshadu uqaadatay in Baarlamaanku Wadanka udamqanayo oo waajibkiisa gudanayo,waxaase cadaatay in Gudoomiyuhu wax ku goosanayay.

$15-kun,ayaa ku baxday in Ajandaha laga saaro Qodobkan.

Ka saarida Ajandaha Qodobka la xisaabtanka DP World,waxuu ku ahaa Puntland dharbaaxo nidaamkeeda ku dhacay,sababtoo ah,waxaa sugayay oo dalbaday Baanka Aduunka iyo Deeq bixiyayaasha oo idil.

PL,waxay BC uga kalsoon tahay nidaamkeeda kan Dowlada Fadaraalka ah,waxaana laga filayay koritaan Sharci.

Madaxweynuhu in uu ku bixiyo Laaluush Qodob muhiim ahaa in laga saaro Ajandaha,waa yax-yax.

Gudoomiyaha Baarlamaanku in uu soo qaado Lacagta lagu bixinayo Laaluushka oo uqaybiyo Xildhibaanada waa ilhaamo weyn.

Xildhibaanadu in ay ku qaataan Laaluush Qodob Dalka iyo Dadka muhiim u ah oo waliba ka mid ah arimaha loosoo wakiishay waa jab ku dhacay Sharciga.

Jibril Qoobey.