Hot Topics

Qodobkii wax ka badalka Dastuurka Puntland oo dib loo dhigay

Qodobkii muhiimka ahaa ee ay ahayd in laga doodo oo cod la galiyo gadaal,ayaa loo dhigay kadib Codsi Madaxweynaha ka yimid.

Qodobkaas,waxuu ahaa wax ka badalka Dastuurka oo ay ku xirnayd sii socoshada Dimuqraadiyada.

Madaxweyne Deni,ayaa dalbaday in loo hakiyo ilaa inta uu soo dhiraadhirinayo Qodobkaas,Baarlamaanku waa ka aqbalay.

Way dhici kartaa in lasoo celiyo hadii taageero loo helo oo heshiis isfahan laga gaaro,hadii kale waxuu noqon doonaa mid laga gudbay,taasoo ka dhigan in Dimuqraadiyadii halkaa lagu hakiyay oo Xildhibaanada soo socdaa ku imaan doonaan hab Beeleed.

Baqdinta,waxaa keenay digniinihii iska soo daba dhacayay ilaa Shalay ee loogu digayay Baarlamaanka.

Jibril Qoobey.