Hot Topics

Maxaa looga xaajooday Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Garoowe: 22 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-gurdoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, Arrimaha deegaanka iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland wuxuu ka xunyahay oo cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, Isagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, Golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba.

Sida la wada ogsoonyahay Dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay.

Ugu danbeyn waxay Dowladdu ka digeysaa wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin Bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.