Faallo:-Isimada Puntland waa in aysan Dimuqraadiyada xagal daacin

Laba Qodob,waa in aysan Isimada iyo haldoorka Siyaasadeed ee kusoo wajahan Garowe ka hor imaan,kuwaasoo kala ah..

1.Madaxweynaha in Shacabku doorto.
2.Xildhibaanada in Shacabku doorto.

Balse in Deni lagu cadaadiyo in uusan dhaafin 8-Janaayo oo uu Doorasho xiligeeda ku qabto,waa loo baahan yahay.

M.Deni iyo Xukuumadiisa,waxaa laga rabaa 6-da bilood ee uharsan in ay ku hirgaliyaan Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo Cod Dadweyne ah.

Ismu imaatinkan,waxaa wacnaan lahayd in Deni horay ugu dhawaaqo oo Dowladu hogaamiso,waase qaadan waayay taladii lagu siiyay sidaas.

Haatan,muhiimadu waa in Dimuqraadiyada loo hiilliyo lana ilaaliyo 8-da Janaayo.

Jibril Qoobey.