Hot Topics

Maxay tahay sababta Imaaraadku uhakiyay bixinta Mushahaarka Ciidanka xasilinta Xamar?

Ciidamada Xasilinta Xamar,ayaa Mushahaar la’aan noqday Bishan,kadib markii isfahan waa ka dhashay Villa Somaliya oo dalbatay in iyadu maamusho oo lasoo marsiiyo Lacagta Mushahaarka loo siiyo Ciidankaas.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo bixisa Mushahaarka Ciidankan,ayaa hakisay,kana hor timid dalabka Dowlada dhexe ee Somaliya.

Lama oga ujeedka ka danbeeya dalabka Dowlada Dhexe ee caanka ku ah musuqa.

Ciidanka xasilinta Xamar,ayaa dhan ilaa 2900-Askari,waxaana abuuray Sanad ka hor Xasan Shiikh.

Jibril Qoobey.