Hot Topics

Mareykanka oo duqeyn culus la beegsaday Al-Shabaab

Ciidamada milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn cusub la beegsadeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab iyaga oo taageeraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kadib markii codsi ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya ay ciidamada Maraykanku fuliyeen duqayn is-wada difaac ah oo lala beegsaday Al-Shabaab July 19-keedii.

Duqaytntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel fog oo u dhow degaanka Hareeri Kalle oo 15km Koonfur ka xiga magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan lagu dilay 5 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, taasi oo lagu ogaaday kadib qiimayn ay wada sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo taliska AFRICOM.

AFRICOM waxay intaas ku dartay in qiimaynta hordhaca ah ay muuinayso inaan dad rayid ah ku dhimanin kuna dhaawacmin duqayntan. AFRICOM waxay sheegtay inay taxaddar weyn ka muujiso ilaalinta dadka rayidka oo qayb muhiim ah ka ah kobcinta amniga iyo xasilloonida Afrika.

AFRICOM ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Bariga qaaradda Afrika. Waxay sheegtay in ciidamada Maraykanaku ay sii wadi doonaan tababarka, talo siinta iyo qalabaynta ciidamada ay iskaashiga leeyihiin si ay u helaan tasiilaadkii ay ku wiiqi lahaayeen al-Shabaab.

AFIROCM waxay sheegtay inay sii wadi doono qiimaynta natiijada duqayntan, islamarkaana ay bixin doonto macluumaad dheeraad ah markii ay ku habboon tahay. Duqaynta ayaa duqaymaha Maraykanku ka gaystaya Soomaaliya sannadkan ka dhigaysa 14 duqaymood.

 

Xigasho:-VOA.