Hot Topics

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo lagu ansixiyay Xeerar muhiim ah

Garoowe: 20 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Amniga, Dhacdooyinka Todobaadka, Diyaargarowga munaasabadda 1-da August iyo Ansixinta wax ka bedelka Lix Xeer oo ay soo gudbiyeen Xafiisyada khuseeya.

Golaha Wasiirada,ayaa dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xeer oo kala ah :-

1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka.

2-Wax- ka badelka Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland.

3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland.

4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda.

5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga.

6-Xeerka lagu maamulo Hay’addaha Maaliyadeed ee Bangiga Dowladda.

Xeerarka Golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen ayaa loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.