Hot Topics

Faallo:-Aaran-shaydaan waa Arilayaal dhawr Doonyood uqarxeen!!

Deni Siyaasiyan,ayuu ubaaba’ashay Aaran-shaydaan oo si weyn ugu diyaarsanaa mudo xileedkan Doorashada.

Sumcadii,maqaamkii,tuhunkii la tuhmay,hulaabtoodii,ballanqaadyadoodii huuhaada ku dhisnaa,ayuu marada ka fayday.

Caasimadii,ayuu ku kalifay in ay Xabad ka ridaan,waxayna ku lumiyeen halkaas Dadkii reer Nugaaleed oo ugu horeeyo Islaan Ciise.

Reer Sool,ayaa xaqiiqsaday in ay jiritaankooda,qiyamkooda iyo difaacooda khatar ku yihiin oo ay la shaqaystaan cadowga SNM.

Reer Sanaag,ayaa u arkay kuwo bahdila Siyaasigooda oo mar walba kusoo deg-dega,wada noolaansho Siyaasadeedna aan lahayn.

Reer Bari,ayaa uhaysta dagaalkii Bosaso,soo raridii hay’adaha iyo layntii haldoorkooda.

Reer Mudug,ayaa u arka in aysan masuul ahayn,Cunno raadinta wax ku dilaan,Siyaasada ka barteen Xan iyo isku dir,aragtidooda iyo maqaamkoodu maxali yahay kuna mashquulsan yihiin sokeeyaha.

Dibada Puntland,ayaa looga arkay Koox Dulaaliin Lacageed ah oo aan lahayn aragti iyo saamayn Siyaasadeed oo salkoodii fashilmay.

Dhabarjabintii ay Deni kaga sameeyeen Doorashadii Xamar,waa eedeen oo,waxuu Somali tusay in ay yihiin Arillayaal Dhowr Doonyood uqarxeen.

WQ:-Jibril Qoobey.