Video:-Madaxweyne Deni oo cadeeyay in 8-da Janaayo ay qabsoomayso doorashada Madaxweynaha PL

“Dowladda aan masuulka ka ahay khaasatan golaha Xukuumadda iyo anigaba, waxaan dadka reer Puntland u sheegaya oo cod dheer ugu sheegayaa Dowladdaan aan Madaxda ka ahay, waxay diyaar u tahay inay Doorashada xiligeedi ku qabato 8-da Janaayo 2024”.Ayuu yiri M.Deni.

Lix Qodob,ayaa ugu muhiimsanaa khudbada Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Deni,kuwaasoo kala ah…

1. Doorashadu waa in ay ku qabsoonto wakhtigeeda.

2. In aan la rabin muddo kordhin.

3. Diyaar u noqosho doorashada iyo adeegga Dadweynaha.

4. Waxaa la qorsheynayaa in 8-da Janaayo la qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo Xisbiyo Siyaasadeed .

5. Ballanqaadka xil wareejinta si sharaf leh oo wakhtigeeda ku habboon haddii laga guulaysto.

6. In reer SSC lagu ammaano midnimada iyo Aayo ka talintooda.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.