Hot Topics

Puntland oo bilowday xalinta dilal ka dhacay Gaalkacyo

Dadaalo lagu soo afjarayo dilal ah aanooyin qabiil oo bilihii u dambeeyay ka dhacayay xarunta gobalka Mudug ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacyo. Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda dawladda Puntland ayaa gaaray magaalada iyagoo bilaabay kulamo looga arrinsanayo xalinta dilalka beelaysan ee ka dhacay Gaalkacyo.

Waftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo kulan la yeeshay sabtidii maamulka gobalka ayaa soo saaray saddex qodob oo muhiim u ahaa dadaalada nabadeed ee socda. Qodobada ayaa kala ah

1. Waxaa si wadajira loogu baaqayaa dhinacyada labada Beelood oo walaalaha ah ee dhacdooyinku dhexmareen Baaq Nabadeed iyo in la ilaaliyo Amniga Gobolka.

2. In loo hogaansamo sharciga lana aqbali doonin dhacdooyin danbe oo dhexmara labada Beelood ee walaalaha ah.

3. In Gogoshii Nabadeed ee labada Beelood ay sideedii usii soconayso, Dowlada Puntland ay la wareegayso masuuliyada Amniga ee goobaha shirku ka qabsoomayo.

IDILNEWS